U bood dhigaalka

Muxuu Ra’iisulwasaare Xamse Ka Yiri Halka uu Marayo Dagaalka Al-shabaab iyo Howlgallada Socda?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo booqday saldhigyada ay ciidamadu ku leeyihiin deegaannada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo dhowaan ay kooxda Alshabaab dagaal lagu dilay in ka badan 100 dagaalame kula galeen ayaa sheegay in Alshabaab laga saaray inta badan gobollada iyo deegaannada dalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay soo afjaridda dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, si Soomaaliya u noqato dal nabdoon oo falalka argagixisanimo iyo qulqulatooyinka ka caaggan.

Xamse oo ku sugan deegaannada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ciidamada qalabka sida ee aaggaas ka howl-gala ku bogaadiyey dagaalka naf hurnimada ah ee ay ku jiraan, asagoo ku dhiirigeliyay inay gudanayaan xil cibaado ah oo ay dalkooda iyo dadkooda u hayaan.