U bood dhigaalka

Waa Kuma Ismaaciil Haniya Madaxii Siyaasadda Ururka Xamaas oo Iran Lagu Dilay?

Ismaaciil Cabdisalaan Axmed Haniyah wyxuu 29 bishii January sanadkii 1962-dii ku dhashay xerada barakacayaasha Al-shati ee marinka Qasa, wuxuuna ku barbaaray, waxna ku bartay Qasa, asagoo ka baxay jaamacadda islaamig university of Gaza sanadkii 1987-dii, wuxuuna bartay Cilmiga suugaanta.

Sanadkii 1997 ayaa loo magacaabay xubin sare oo ka tirsan hoggaanka ururka xamaas, sanadkii 2006-diina waxa uu noqday Ra’iisul Wasaaraha Falastiin, balse madaxweyne Maxamuud Cabbaas ayaa xilka ka qaaday 2007-dii, tillaabadaas oo ay si weyn u diideen golaha sharci dejintu ayaana keentay inuu xilka sii hayo, maadaama kooxaha Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas ay xilligaa isku dhacsanaayeen.

Inuu Ra’iisul Wasaaraha dowladda midnimada Falastiin ku magownaa ka sokow wuxuu sanadkii 2006-dii noqday hoggaamiya Xamaas ee Marinka Qasa, wuxuuna xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2017-kii, xilligaas oo lagu bedalay Yaxye Sinwaar oo illaa hadda haya jagadaas.

Isla sanadkaas 2017 waxaa loo doortay guddoomiyaha Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas oo illaa dhimashadiisa uu madax ka ahaa, wuxuuna sanadihii la soo dhaafay ku noolaa dalka Qatar, waana Aabaha 13 carruur oo intooda badan ay Israa’iil khaarajisay.

Bishii Oktoobar sanadkii 2023, 14 xubnood oo qoyskiisa ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla marinka Gaza, waxaana ku jirey walaalihiis iyo adeerkiis iyo qaar ilma adeer la ah, bishii Noofambar ee Isla sanadkaas 2023, gabar uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Qasa.

Todobaadyo Ka dib wiil uu awoowe u ahaa ayaa asna lagu dilay weerar ay Israa’iil fulisay, halka Saddex ka mid ah wiilashiisa iyo kuwo uu awoowe u ahaa 10-kii bishii Apriil ee sanadkan 2024 lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay Marinka Qasa, 25-kii bishii juun ee isla sanadkan 10 xubnood oo qoyskiisa ah, ayna ku jirto walaashiis oo 80 jir ah ayaa lagu dilay Xerada qaxootiga al-Shati ee marinka Qasa.

maanta oo ah 31-ka bisha July-na asaga iyo qaar kamida ilaaladiisa ayaa lagu khaarajiyay magaalada Tehraan ee Caasimadda Iiraan, halkaas oo la sheegay inuu u tagey ka qeyb-galka caleemasaarka madaxweynaha Cusub ee dalkaas.