U bood dhigaalka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Lagu Soo Dhoweeyay Ceelbaraf oo Katirsan Shabeellaha Dhexe

Wafdiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo safar ku maraya deegaannada maamulka ayaa maanta  gaaray degmada Ceel-Baraf ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle, Guddoomiyayaasha Goballada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan, Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida, Fannaaniin iyo wariyayaal ayaa qeyb ka ahaa wafdiga Madaxweynaha.

Maamulka, Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo qeybaha bulshada degmada Ceel-Baraf ayaa si weyn u soo dhaweeyay wafdiga Madaxweynaha Dowaladda Hirshabeelle, degmada ayaa lagu wadaa inta uu joogo inuu la kulmo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Madaxweynaha oo ka hadalay soo dhoweynta loo sameeyay iyo safarkiisa u uku yimid demada ayaa yiri “Waxaan diirada saari doonaa waqtiga aan halkan joogno sidii nabad waarto loo heli lahaa. Dadkan waa walaalo wada dhashay.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay shacabka degmada Ceel-Baraf soo dhaweynta ay u sameeyeen wafdigiisa, waxaana safarkaan uu qeyb ka yahay socdaal maalmihii dambe u uku bixinayay deegaannada maamulka.