U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Milatariga Jabuuti oo Muqdisho Soo Gaaray iyo Soo Dhoweyn Loogu Sameeyay

Wafdi ka socda Taliska Guud ee Ciidanka Jamhuuriyadda Djibouti oo uu hoggaaminayo madaxa howlgelinta ciidanka jabuuti iyo saraakiil kale ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa ku soo dhaweeyay xarunta Taliska Ciidanka xoogga Dalka, waxaana soo dhaweynta goobjoog ka ahaa Qaar ka mid Hogaanada Ciidanka XDS.

Ujeedka booqashada saraakiisha ka socotay wadanka jabuuti ayaa ahayd in sare loo qaado iskaashiga labadda ciidan iyo sare u qaadida wada shaqeynta iyo howlaha la xariira Ciidamada Hiil Walaal ee Djibouti oo nabad ilaalinta u joogo Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda jabuuti ku amaanay kaalinta ay ka qaateen la dagaalanka Argagixisadda iyo sida ay u garab taaganyihiin Ciidamada XDS