U bood dhigaalka

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Qaraxii Ka Dhacay Liido

Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Qaraxii ka dhacay xeebta Liido ee Muqdisho

Isbitaallada Muqdisho ayaa la gaarsiiyay dhaawacyada iyo Meydadkii dadkii uu haleelay Qaraxa.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay socdaan gurmadka lagu soo badbaadinayo dadka inta nool iyo kuwa dhaawaca ah ee dadka caawa kooxda Shabaab ku weerartay xeebta Liido.

Muuqaallo barahaha bulshada la soo dhigay ayaa muujinaya dad Mayd iyo dhaawac isugu jira oo daadsan xeebta.

Qaraxa ugu horreyay waxaa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Dawladdu waxa ay sheegtay in uu socdo hawlgal lagu soo afjarayo ragga weli ka dagaallamaya gudaha Hotelka oo ka tirsan AS.

Tirada dhaawaca iyo dhimashada ayaan wali la xaqiijin karin.

Weerarkaan ayaa ah mid naxdin leh, iyadoo Muuqaallada qaar ay muujiyeen sida uu baaxad weyn yahay khasaaraha weerarka.