U bood dhigaalka

Faahfaahin Kasoo Baxaysa Qarax Ka Dhacay Degmada Garasbaaley

Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax dhowaan ka dhacay degmada Garasbaaleey ee gobolka Banaadir, kaas oo la sheegay in lala beegsaday gaari ay wateen askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo halkaa marayay.

Baabuur qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca saadka ciidamada qaada oo xoguhu ay tibaaxayaan inuu shidaal waday, mana cadda waxyeelada ka dhalatay dhacdadan oo wax ka yar uun la wicassheeda la helay, cid illaa hadda ka hadashayna ma jirto.

Qaraxan ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii lala qarax oo ka kala dhacay xeebta Liido iyo deegaanka golalay ee gobolka Shabeellada dhexe ay ku geeriyoodeen in ka badan 40 qof, halka tiro intaas ka badanina ay dhaawacmeen.