U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo Xukun Dil ah Ku Fulisay Rag Dil Hore u Geystay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fulisay laba askar horay uga tirsanaa ciidanka oo dilal u geystay kuwo kale, islamarkaana lagu helay dambiyeedkaas, ka dibna la qasaasay.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland, Gaashaanle dhexe, Mowliid Axmed Yaasiin ayaa sheegay inay raggani horay dilal ugu geysteen laba nin oo kale, islamarkaana lagu fuliyay xukun toogasho ah oo ay maxkamaddu ku riday.

Ragga qasaasta lagu fuliyay ayaa kala ahaa Yaasiin Cismaan Colow oo horay u diley Muxudiin Cabdi Xasan iyo Maxamed Cabdullaahi Siciid oo asna lagu helay inuu nafta dhaafiyay maxamed deeq Nuune Saalax, sida ay shaacisay xeer-ilaalinta maxkamaddu.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa u xilsaaran qaadidda dacwadaha loo haysto askarta iyo xubnaha ka tirsan kooxaha Alshabaab iyo Daacish, waxayna inta badan dil toogasho ah ku fulisaa cid kasta oo lagu dembiyeed qof kale noloshiisa galaaftay.