U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Mudug oo Gacanta Ku Dhigay Xubin Ka Tirsan Al-shabaab

Ciidanka Booliiska Maamulka Galmudug ee ka howlgala deegaanka mareergur ee Gobolka Galgaduud ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay inuu ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo uu muddo dheer xubin ka ahaa, laguna magacaabo Idris Maxamed Shiikh.

Ninkan ayay Booliiska Galmudug ku wareejiyeen Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka ee NISA oo mudo ku raadjoogtay, islamarkaana ay aad u doon doonaysay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd, haatan’se ku guulaysatay ayadoo kaashanaysa laamaha nabad-galyada gobolka Galgaduud.

Hoggaaminayahan ka mid ahaa xubnaha sar sare ee kooxda Alshabaab ayaan faahfaahin laga bixin howsha uu u qaabilsanaa iyo sida ay soo qabashadiisu ku suurta-gashay, wuxuuna hadda gacanta ugu jraa Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, sida ay xaqiijisay warbaahinta dowladdu.