U bood dhigaalka

Kooxo Hubeysan oo Laba Wiil oo Walaalo ah Ku Dishay Galgaduud

Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa beegsaday Allaha Unaxariistee Cabdinasir Ahmed Arab iyo Abdikarin Ahmed Arab oo walaalo ah kana soo jeeday Cadaado, weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Oodan oo dhaca bariga gobolka Galgaduud.

Nimankaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen xoolo dhaqato. waxaana loo dilay aano qabiil.

Dilka waxaa geystay Maleeshiyaad la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Xiindheere.

Kooxda ayaa sidoo kale isla goobta ku dhaawacay Carruur iyo hooyo ka tirsanaa isla qoyska reer Axmed Carab, kuwaas oo dhaawacooda lagula tacaalayo isbitaalka guud ee Cadaado.

Dhacdadaan ayaa argagax ku abuurtay dadka kunool gobolka Galgaduud. Waxaa maamulka Galmudug loogu baaqay in wax ka qabto dilalka noocaan oo kale ah.

Billihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dilalka iyo dagaal beeleedyada deegaanada maamulka Galmudug. waxaa ku nafwaayay dad badan oo aan waxba galabsan