U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo Shaacisay Nuuca uu Noqonayo Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Badalaya

Midowga Afrika ayaa dhowaan meelmariyay isbadel lagu samaynayo howgalka ciidamada nabad ilaalinta ah ee ATMIS, kuwaas oo magacooda laga dhigey AUSSOM, islamarkaana habkii ay u shaqayn jireen sidii hore laga duway oo dib loo qaabeeyay hannaankooda shaqo.

La-taliyaha amniga Qaranka ee madaxweyne XasanShiikh Maxamuud ayaa haddaba markii ugu horraysay arrintaas si faahfaahsan uga hadlay, asagoo sheegay in howgalka cusubi uu muddo shaqayn doono, islamarkaana uu taageero siin doono ciidanka xoogga dalka inta dagaalka kooxda Alshabaab la soo afjarayo.

Howgalka ATMIS oo magaciisa dhowr jeer horay loo bedelay ayaa ku dhowaad 20 dalka ku sugan, waxaana madaxweyne waliba uu ololaha doorashada ku galaa inuu saari doono, islamarkaana laga maarmi doono, balse sii joogitaankooda ayaan la ogeyn xilliga uu soo gabangaboobi doono.