U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Dhulka Loo Dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Xoogga ayaa maanta kormeer ku tegay taliska cusub ee loo diyaarinayo ciidanka dhulka.

Goobta laga dhisayo ayaa ah xarunta Kabka oo ku dhex taalla Kulliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Hodan, waxaana ka socda dhisme iyo diyaarin xoog leh Waxayna Noqonaysa Taliskii ugu Horeeyey ee Ciidanka Dhulku Yeeshaan.

Dhulkan ay taliyaashu kormeereen ayaa loo diyaarinayaa in laga dhigo taliska guud ee Ciidanka dhulka xoogga dalka oo kamida laamaha ugu muhiimsan qeybaha ciidamada qalabka sida.
Goobjoog