U bood dhigaalka

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Xarun Cusub Ka Furatay Laascaanood.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa daahfurtay xafiiska Laanta 8-aad oo Hay’addu ku yeelanayso magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC Khaatumo, taas oo loogu adeegi doono dadka ku nool degaanada maamulkaas.

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali oo xariga ka jaray xarunta laanta 8-aad ayaa hirgelinta xaruntaan uga mahadceliyay Agaasimaha Guud ee hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed, isagoo sheegay in dadka reer SSC ay aad ugu baahnaayeen in ay helaan adeegga baasaboor bixinta, isla markaana ay si wanaagsan uga faa’iidaysa doonaan.

Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa xoogga saaraysa in muwaadiniinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ku nool yihiin loo soo dhaweeyo adeegyada kala duwan ay bixiso hay’addu, si loo yareeyo qarashka iyo safarka dheer ee uga bixi lahaa helitaanka adeegga baasaboorka.