U bood dhigaalka

Magaalooyin Ku Yaalla Giriigga oo Dadka Laga Daad-gureeyay Cabsi Laga Qabo Dab Ku Sii Faafaya Keymaha u Dhow Owgiis

Boqolaal gaadiidka dab-damis ah oo ay taageerayaan daraasiin diyaarado ah oo biyaha daadinaya ayaa la dagaallamaya dab weyn oo ka holcaya dhul kaymo ah oo ku yaalla dhinaca waqooyi ee caasimadda dalka Giriiga.

Isbitaallada iyo magaalooyinka ku xeeran Athens, iyo sidoo kale qaar ka mid ah xaafadaha magaalada, ayaa laga daad gureeyay dadkii subaxnimadii hore ee Isniintii, iyadoo in ka badan toban meelood oo kale lagu amray in la faarujiyo cabsi laga qabo in waxyeellada dabku soo gaarto awgeed.

Hoolalka ciyaaraha iyo hoteellada ayaa la diyaarinayaa si loogu martigeliyo dadka la daadgureynayo, ayadoo waaxda dab-damiska ay ka codsatay dadka deegaanka inay u hogg