U bood dhigaalka

Muxuu Yahay Amarka uu Booliska Soomaaliya Soo Saaray ee Ku Aaddan Gaadiidka ?.

Booliska Soomaaliya ayaa amarro culus dul dhigey iyo milkiileyaasha iyo wadayaasha gaadiidka gaar ahaan kuwa gobolka Benaadir, wuxuuna amarkaasi la xariiraa waxyaabo laga mamnuucay, islamarkaana ciddii ku kacdaahi ay sharci ahaan xarig iyo ganaax adag mutaysan karto.

Qoraal ka soo Baxay Taliska guud ee Booliska Soomaaliyeed ayaa dhammaan milkiileyaasha iyo darawallada Baabuurta iyo Mootooyinka lagu faray inay ka fogaadaan 7 todobo qodob oo aan la oggolayn, islamarkaasna sharci ahaan iyo Nabad-gelyo ahaanba dhitaabo horseedi kara.

Qodobadaas waxaa kamid ah:

  1. In Macnuucay in La kaxeeyo ama la wato Gaari aan wadan Taargo iyo Buuga la haanshaha.
  2. in ay islahaadaan Buuga gaariga, Jes-nambarka iyo Taargada, hadii ay is lahaan waayaana waxaa ka dhallin kara faldambiyeed inqaab adag leh.
  3. in Gaariga kastaahi uu ka diiwaan gashan yahay Wasaaradda Gaadiidka, islamarkaana uu wadto Dukumintiga xaqiijinaaya in uu bixiyey canshuurta.
  4. ayadoo La raacaayo Qaraarkii ka soo baxay Golaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Waxaa markale la cadeynayaaa in aan la keeni Karin, lana buufin Karin Mooto Bajaaj Cusub .
  5. Waxaa Mamnuuc ah in macluumaadka Mooto bajaaj Noqotey Howlgal Sida (Xafarka A ama B ) Jesnambarka ,Taargad Iyo iwm loo guuriyo Mooto Kale oo aan laheyn xogtaas.
  6. Waxaa si gaar ah Loogu Wargaliyay Milkiilashaada iyo Howl wadeennada Ku Shaqeysta Mooto Bajaajta in aan Xuduudaha Caasimadda laga soo gelin Karin Mooto Bajaaj laga keenay Gobolada Kale.
  7. Waxaa ugu dambeyn la xusuusinayaa cidkasta oo ku Guuldareysata u hoggaan Samida Awaamiirta Sare ku Xusan in ay la kulmidoonto Talaabooyin adag Oo waafaqsan Sharciga.
    Goobjoog.com