U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Mudug oo Gacanta Ku Dhigey Eedaysane La Sheegay Inuu Lacag la baxsanayay

Ciidanka Booliska dowlad goboleedka gaar ahaan taliska Gobolka mudug oo kaashanaya hay’adaha kale ee nabad-gelyada ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane Yusuf cabdi xasan oo la sheegay inuu Lacag ka soo dhacay xaafad kamida magalada Galkacyo ee dhinaca Galmudug.

Yuusuf cabdii Xasan ayaa Ciidanka booliska gobolka ka soo qabteen Deeganka Cagaaran ee gobolka mudug, sida ay sheegeen saaraakiisha ciidanka booliska dowlad goboleedka Puntland ee falkan ka howlgalay.

Taliyaha Saldhiga Kabida ee Magaalada Galkacyo L/Xidigle Axmed Jamac Xayir(Raad goob) ayaa ku wareejiyay Taliye ku xigeenka ciidanka isku dhafka ee Puntland iyo Galmudug Dhame Cabdi Fitaax Cali Dabaadi.