U bood dhigaalka

Haweeneey iyo Afar Carruur ah oo Ku Dhintay Shil Gaari oo Ka Dhacay Kenya.

Wararka ka imaanaya Ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya ayaa sheegay in haweeney iyo afar carruur ahi ay ku dhintay deegaanka Mbaruk Taliyaha booliska ee ismaamulka Gilgil Jamleck Ngaruiya ayaana xaqiijiyay dhacdadan naxdinta leh.

Taliyaha ayaa tilmaamay in darawalka Mercedes Benz uu la galay wado qaldan oo uu ku dhacay gaariga xamuulka ah, taas oo keentay dhimashada 5-ta qof ee rakaabka ahaa, iyo burbur xooggan oo gaariga soo gaaray.

Gaariga shilka galay ayaa ku sii jeeday dhanka Nakuru, asagoo ka yimid ismaamulka Gilgil, halka gaariga xamuulka ah uu ku sii jeeday dhanka magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalkaas.

Dhacdadan ayaa timid saacado ka dib markii 15 qof oo ay ku jiraan todobo caruur ahi ay ku geeriyoodeen shil foolxun oo ka dhacay wadada isku xirta Nakuru iyo Eldoret ka dib markii gaari weynj uu dulmaray raxan baabuurta yar yar ah.