U bood dhigaalka

Markab dagaal ooTurkigu leeyahay oo soo gaaray Xeebaha Jabuuti.

Markab dagaal oo ciidamada Badda ee dalka Turkiga ay leeyihiin, laguna magacaaboTCG KINALIADA ayaa gaaray dalka Jabbuuti, isaga oo ku guda jira howlgal uu ka wado Badda-cas iyo xeebaha Soomaaliya, ka dib heshiiskii ilaalinta Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya la saxiixatay Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa Turkiga la gashay heshiis dhinaca difaaca Xeebaha ah oo muddo toban sanadood ah socan doona, islamarkaana lagu xaqiijinayo nabad-gelyada badda Soomaaliya xilli ay Itoobiya ay hannaan gardarro ah ku doonayso inay ku qaadato qeyb kamida badda JFS.

Socdaalka markabkan ayaa ku soo beegmaya xilli wada-hadalladii magaalada Ankara uga socday Soomaaliya iyo Itoobiya ay is mari-waa ku soo dhammaadeen, islamarkaana Xukuumadda Abii Axmed ay weli ay ka war wareegayso inay ka laabato is afgaradkii Soomaaliland.