U bood dhigaalka

Taalibaan oo si la yaab leh ugu dabbaaldegtay Seddax sano guuradii ka soo wareegtay markii ay xukunka qabsadeen.

Sheeko:War

Maamulka Talibanka ee dalka Afgaanistaan ​​ayaa u dabaaldegay seddex sano oo ay xukunka hayeen, ayagoo dhoolatus militari oo layaab leh soo bandhigey, waxayna muujiyeen awooda djinaca ciidanka ah iyo qalabka ay ku hubaysanyihiin.

Dabaaldegga ayaa lagu qabtay xaruntii hore ee ciidamada cirka Mareykanku ay dalkaas ku lahaayeen, muddadii ay la dagaalamayeen kooxdan mayalka adag ee hadda maamula dalkan ku yaalla koonfurta qaarad weynta Aasiya.

diblomaasiyiin Shiinaha iyo Iran ka kala socda ayaa ka mid ahaa boqollaal qof oo isugu soo baxay dhoola-tuska iyo khudbadihii hoggaanka Taalibaan ay ku soo bandhigayeen waxqabadkooda seddaxdii sanoo la soo dhaafay.

Taliban ayaa dagaal adag oo ay Mareykanka, xulufadiisa iyo maamulkii dalkaasi in ka badan sano kula jireen ka dib waxay xukunka Afgaanistaan qabsadeen sanadkii 2021, xilligaas oo ciimada Ameerikaanku ay ka baxeen Caasimadda Kaabuul.