U bood dhigaalka

Israa’iil oo weerar horleh ku qaaday goobaha ay dadku ku badanyihiin ee waqooyiga marinka Qasa

Sheeko:War

Israa’iil ayaa amartay dadku ay baxaan goobaha badan oo ku yaalla waqooyiga iyo koonfurta marinka Qasa, kuwaas oo ay ku jiraan meelo ay hore ugu magacawday aagagga nabdoon, waxaana la filayaa inay saacadaha soo socda duqeymo xooggan ka fuliso meelahaas.

Dhanka kale ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay weerar ay ciidamadeedu ku qaadeen teendhooyinka dadka barokacayaal ahi ay ku noolyihiin oo ku yaalla bartamaha Qasa gaar ahaan xerada az-Zawayda, sida wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan.

siddeed qof ayaa ayaguna ku dhintay duqeyn lala beegsaday dhismo ay deggan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Nabatieh ee koonfurta Lubnaan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan.

Tillaabooyinkan oo dhami waxay dhacayaan xilli uu socdo wada-hadal ay Mareykanka, Masar, iyo Qatar garwadeen ka wada yihiin, balse ururka xamaas uu qaadacay, ayadoo ku tilmaamey gacmo daalis Maamulka Israa’iil loogu seeto dheeraynayo.

Goobjoog.com