U bood dhigaalka

Maraakiib Dagaal oo Shiinaha iyo Filibiin ay leeyihiin oo isku dhacay

Maraakiibta dagaalka Shiinaha iyo Filibiin ayaa isku dhacay xilli ay gaaf wareegayeen aag badeed lagu muransanyahay ee badda Koonfurta Shiinaha sida ay sheegtay warbaahinta dalka shiinuhu, ayadoo soo xeganaysa Ilaalada Xeebaha dalkaas.

iska horimaadkan ayaa dhacay ka dib markii markab dagaalka oo Filibiin ay leedahay uu aad ugu soo dhowaaday markabka 21551 ee Shiinaha, sida uu baahiyay TV-ga CCTV ee Xukuumadda Beijing, asagoo soo xeganaya Afhayeenka Ilaalada Xeebaha dalkaas Geng Yu.

Badda Koonfurta Shiinaha oo ah aag ay 7 dal ku muransanyihiin ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca iska horimaadyo militari oo dhex mara ciidamada badda dalalka halkaas isku haysta oo Shiinaha iyo Filibiin ugu horreeyaan.