U bood dhigaalka

Xamaas oo diiday heshiis xabbad-joojin ah oo Maraykanku ku dhawaaqay.

Sheeko:War

Xamaas ayaa Mareykanka ku eedaysay inuu Israa’iil wakhtiga u dheeraynayo si ay u sii wado xasuuqa dadka marinka Qasa, wuxuuna hadalkani yimid ka dib markii xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu ku dhawaaqay in ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu uu aqbalay soo jeedinta heshiis xabbad-joojin ah.

Blinken ayaa xilligaas kooxda Xamaas ugu baaqay inay oggolaadaan heshiiska, balse arrintaas way ku gacan-sayreen ayagoo ku tilmaamay hagardaamo maamulka Israa’iil fursad lagu siinayo, ayagana lagu madadaalinayo.

Xamaas ayaa sidoo kale dhowaan diiday wada-hadallo Mareykanka, Masar iyo Qatar ay garwadeen ka ahaayeen oo ka dhici lahaa Magaalada Dooxa, waxayna diidmooyinka falastiiniyiinta ee heshiiska xabbad-joojinta ah loo arkaa natiijada dilkii ismaaciil Haniyeh oo ku soo beegantahay xilli ay socdeen dadaallo lagu doonayay in lagu joojiyo dagaalka lagu hoobtay ee bishii 10-aad ka socda Marinka Qasa.