U bood dhigaalka

Mucaaradka Israa’iil oo ugu baaqay Natenyahu in uu oggolaado xabbad joojinta Qasa

Hoggaamiyaha mucaaradka Israa’iil ayaa ku baaqay Mr Netanyahu in uu oggolaado heshiis xabbad joojin ah oo deg deg ah oo laga gaaro Gaza.

Yair Lapid ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha inuu isku dayay inuu waxyeeleeyo wada xaajoodyada.

Mar sii horreysay, millatariga Israa’iil ayaa Khan Younis ka soo saaray meydadka lix kale oo maxaabiis ah.

Raggan la helay meydadkooda ayaa la afduubay intii lagu jiray weerarradii Xamaas ee bishii Oktoobar ee toddobaad.

Shan ka mid ah dhimashadooda ayaa horay loo shaaciyay.

Laba boqol iyo kow iyo konton la hayste ah oo Xamaas ay gacanta ku dhigtay, todobaatan iyo saddex ka mid ah ayaa weli la rumaysan yahay in ay nool yihiin oo maxaabiis ah.