U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo sheegay in cidanka xoogga dalku ay Al-Shabaab ka dileen in ka badan 5 kun oo dagaalame.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya oo kulan dadweyne su’aalo lagu weydiiyay ka warcelinayay ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanku ay qaadeen in ka badan 978 weerar intii lagu jiray wajigii koobaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dileen 5 kun oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamadu ay qabsadeen 215 goobood oo isugu jira degmooyin iyo deegaanno ka tirsan gobollada dalka, asagoo intaa ku daray in Al-Shabaab laga xayiray in ka badan 722 akoon, islamarkaana laga xiray 1551 Telefoon oo ay adeegsan jireen.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare xamse wuxuu sheegay in dowladdu ay xallisay cabashadii ganacsatada, islamarkaana hannaanka canshuurta iibku uu yahay mid hirgelintiisa sharciga loo maray oo Baarlamaanka iyo Xukuumadduba ansixiyeen.

Doorashada mar uu ka hadlayayna wuxuu tilmaamay in dalka ay ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ahi, islamarkaana dadka Soomaaliyeed ay codkooda ku soo saaran doonaan cidda hoggaamin doonta, ballanqaadkan ayaana ah mid ay dhowr jeer ku celceliyeen madaxda dowladdu, balse mira-dhalkiisa la wada sugayo.