U bood dhigaalka

Koox hubaysan oo 11 askari oo Booliiska Pakistan ka tirsan ku dishey weerar dhabba-gal ah

Kooxd dabley ah ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo booliis ah oo ku sugnaa bariga gobolka Punjab ee dalka Pakistan, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 11 askari, 7 kalana waa ay ku dhaawaceen, sida ay masuuliyiinta dalkaasi sheegeen.

Ma jirto cid si degdeg ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay degmada Rahim Yar Khan ee magaalada Kacha, sidoo kale dowladda Pakistan faahfaahin dheeraada kama bixin weeararkan dhimashada badan horseeday.

Saraakiishan ayaa la sheegay in ay ku guda jireen roondo ay ku sugnaayeen goob cidlo ah oo ay ku baadi goobayeen burcadda ka howlgasha gobolka xilliga ay weerarka lama filaanka ah la kulmeen, Booliska ayaana tilmaamay in dableyda ay u badan tahay inay ahaayeen tuugo oo aysan ka tirsaneyn koox gaar ah.