U bood dhigaalka

ugu yaraan labo qof oo ku dhintay weerar bambaano oo ka dhacay dalka Pakistan

Sheeko:War

Wararka ka imaanaya dalka Pakistan ayaa sheegaya in ugu yaraan labo caruur ah ay ku dhinteen 16 kalena ay ku dhaawacmeen weerar bambaano oo ka dhacay meel ku dhow xafiis boolis oo ku yaala koofur galbeed ee dalkaas.

7 askari oo boolis ah ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay bamka meelaha fog laga hago ee ku xiranayd mooto lagu qarxiyay degmada Pishin Sabtidii, sida uu sarkaal sare u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeen u hadlay dowlad goboleedka Shahid Rind ayaa sheegay in wax uu ku tilmaamay argagixiso ay beegsanayaan dadka aan waxba galabsan iyo kuwa aan dembi lahayn si ay u gaaraan ujeedooyinkooda guracan oo ay leeyihiin.

Ilaa hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse Waaxda La-dagaalanka Argagaxisada ee Pakistan (CTD) iyo Kooxda Ka-hortagga Bambaanooyinka ayaa la geeyay gobolka uu weerarku ka dhacay, sida ay sheegtay Dawn News.