U bood dhigaalka

Dowladda Namibiya oo ku dhawaaqay in ay xannibtay markab looga shakiyay in uu hub u sido Israa’iil

Sida ay sheegeen Masuuliyiinta dalka Namibia Markab ay uga shakiyeen inuu sido shixnad milateri oo ay Israa’iil ugu talo-gashay dagaalka ka socda Qaza ayaa laga hor istaagay inuu kusoo xirto dalka Koonfurta Afrika ku yaalla.

Yvonne Dausab Wasiirka cadaalada Namibia ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in markabka la joojiyay sababtoo ah waxa uu sitay walxo qarxa oo loo waday Israel.

Markabka MV Kathrin, oo ka soo kicitimay Vietnam, ayaa codsaday oggolaansho uu ku soo xidho dekedda Walvis Bay – ka hor inta aanu u dhoofin woqooyiga, isaga oo ku sii jeeday waddo la tuhunsan yahay oo ku wajahan badda Mediterranean-ka ee sii marta marinka Gibraltar.

Kooxaha xuquuqda aadanaha ayaa ka digay in Namibia ay ku lug yeelan karto xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha haddii ay u ogolaato in markabka uu ku soo xirto.

Lama garanayo sababta uu markabku u doonayay in uu ku soo xidho, laakiin maraakiibta ku jirta safarrada dhaadheer ayaa u badan in ay u istaagaan sahayda, nasinta ama in ay dejiyaan ama rartaan.