U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya oo xabsiyada dalka Suudaan ka soo daysay dhallinyaro Soomaaliyeed.

Sheeko:War

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xabsiyada dalka dagaalada ba’ani ka socdaan ee Suudaan ka soo deysay 31 dhallinyaro Soomaali ah oo bilo ku xirnaa dalkaasi Suudaan, islamarkaana xaalad adag ku jiray.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay inay u badnaayeen tahriibayaal doonayay in ay gaaraan dalka Libya ka dibna ay uga sii gudbaan Yurub, waxaa sidoo kale jira dhallinyaro Soomaali ah oo la sheegay in wali lagu la’ yahay dalkaasi ka dib markii ay koox hubeysani weerartay gaari ay la socdeen.

Safiir Soomaaliya ee Suudaan danjire Axmed Cabdi Xasan( Axmed Suudaani) oo warbaahinta VOA wareysi ayaa sheegay in dhallinyaradaas oo tahriib ah ay dowladda Suudaan uga shakisay inay doonayeen inay ka garab dagaallamaan fallaagada RSF, islamarkaana  ay 3 bilood xabsi ku haysay.

Safiir ayaa intaas ku daray in dhallinyaradan oo ka kooban 24 wiil iyo 7 gabdhood ay dowladda Suudaan kala hadleen sidii loo soo dayn lahaa, ugu dambeyna ay ku guulaysteen oo dalkooda dib loogu celiyay.