U bood dhigaalka

Magaalada Ceerigaabo oo bandow lagu soo rogay

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa saacadihii la soo dhaafay ka socday shaqaaqooyin ay ku dhowaad 10 qof ku dhinteen, waxaana soo baxayay baaqyo kala duwan oo lagu dalbanayo in xaaladda lagu dejiyo.

Guddiga nabad-gelyada magaalada ayaa ayaguna ku dhawaaqay in bandow socanaya tobanka habeennimo ilaa todobaa aroornimo halkaas lagu soo rogay, kaas oo looga golleeyay in lagu xakameeyo xiisadda sii kordhaysa ee u dhexaysa dadka kala taageersan Soomaaliland iyo SSC-KHAATUMO.

Mid kamida dadka ku nool magaalada Ceerigaabo oo u waramay goobjoog news ayaa sheegay in hadda xaaladdu ay degantahay, islamarkaana ay socdaan dadaallo nabad-gelyada lagu xoojinayo.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dhaqdhaqaaqa dhinaca koonfureed ee magaalada oo dad SSC-KHAATUMO taarsani ay deganyihiini uu aad u koonyahay, islamarkaana ganacsiyada intooda badani ay xiranyihiin.

Rabshadaha magaalada ayaa ku soo beegmay wax yar ka dib markii uu Madaxweynaha Soomaaliland halkaas booqday, islamarkaana uu jeediyay khodbad ku saabsan xaaladda Soomaaliland iyo SSC-KHAATUMO.