U bood dhigaalka

Ciidanka booliska oo magaalada muqdisho ku soo bandhigey maan-dooriyaal ay soo qabteen

Ciidanka booliska Soomaliyeed ayaa soo bandhigeen Maandooriyaal tira badan oo ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen gudaha  magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Maandooriyaashan ayaa lagu gubay duleedka degmada kaaraan ee gobolka Banaadir, ayadoo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha ciidanka booliska iyo masuuliyiin ka tirsan dowladdu.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maandooriyaha iyo khamaarka Internet-ka ee loo yaqaano 1xpet ay caqabad ku yihiin Xasiloonida Caasimadda iyo horumarka bulshada.