U bood dhigaalka

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo safiirka Mareykanka oo tababar u soo xiray cutub cusub oo kamida booliska

Taliyaha Ciidanka boliiska Soomalaiyeed S/Guuto Sulub Axmad Firin  iyo Safiirka Dowlada Mareekanka Ufadhiya Moqdisho ayaa Tababar U soo xirey Qeyb Ka mid ah Ciidanka  bar hubinta Guurguurta ama  ee booliska Soomaaliyeed.

Munaasabadda qalin Jabinta ciidamadan oo Ka dhacdey gudaha garoonka diyaaradaha Aadan cadde ayaa waxaa Ka qeyb-galay taliyaha hoggaanka howlaha booliska S/Guuto Maxamed Maxamud Garaar  iyo taliyaha qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin iyo Saraakiil Kale.

Ciidanka tababarka loo xirey  oo ay Qalabka iyo tababarba ka  Taageerto dowlad Mareekanka ayaa soo bandhigey dhoola-tus Ku aaddan Wixii la barey, ayagoo Ka qeyb-qaadan doona sugidda nabad-gelyada magaalada Moqdisho.