U bood dhigaalka

Isimada dhaqanka SSC-Khaatumo oo ku baaqay in la dejiyo xiisadda magaalada Ceerigaabo

Golaha isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa nabad ugu baaqay bulshada ku nool Ceerigaabo, iyaga oo tilmaamay in ay diyaar u yihiin in wada-hadal lagu dhammeedo xiisadda ka jirta magaaladaas oo ay ku eedeeyeen madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday rabshado nabad-gelyada lid ku ah oo ay ku dhinteen in ka 10 qof, islamarkaana u dhexaysa dhinacyo kala taageersan SSC-Khaatumo iyo Soomaaliland.

Maamulka magaaladaas ayaa soo rogay bandow socan doona tobanka habeenimo ilaa todobada aroornimo ama halka Saac, sidoo kale waxay mamnuuceen in magaaladaas ay qoysaska qaar ka guuraan, balse xiisadda ayaa weli cirka isku sii shareeraysa, waxayna rabshadahani billowdeen wax yar ka dib markii madaxweynaha Soomaaliland uu gobolkaas booqasho ku tagey.