U bood dhigaalka

Ku dhowaad 10 qof ayaa dhintay duufaan ku dhifatay dalka Japan.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay duufaan lagu magacaabo Shanshan oo ku dhifatay bari ee dalka Japan, iyadoo saamaysay dhul ballaaran oo ay ka da’een roobab mahiigaan ah, waxayna dhalisay dhul go’ iyo fatahaado laga cabsi qabo inay waxyeello u geystaan deegaanno boqolaal kilo mitir u jira goobta ay ka billaabatay duufaantu.

Muuqaallo ay soo duubtay Warbaahinta qaranka ee NHK ayaa muujinayay guryo saqafyo leh oo qayb ahaan biyo ku dhex go’doonsan, halka baabuurtu ay taayirro dheer dheer ku marayaan waddooyinka daadku qarqiyeen ee koonfur-galbeed ee dalka.

Duufaanta ayaa ku soo dhacday jasiiradda Kyushu maalintii Khamiista, taasoo keentay heerarkii ugu badnaa ee roobabka inay dhulkaas ka da’aan, hal qof ayaana la la’yahay, halka in ka badan 100 kalena ay dhaawacmeen, sida ay sheegtay Hay’adda Dabdemiska iyo Masiibooyinka ee Japan.