U bood dhigaalka

Ciidamada ammaanka Soomaaliya oo xiray rag lagu eedeeyay inay dhac geysanayeen

Ciidanka Booliska Soomaaliya gaar ahaan Saldhigga Degmada Dharkenley ayaa xiray saddex nin oo hubeysan iyo Mooto Bajaaj ay wateen, kuwaas oo lagu eedeeyay inay dhac u geysteen muwaadin ku nool degamda Dharkenley.

Raggan oo ku hubaysnaa qoryaha boobeyaasha ee loo yaqaanno Ak47 ayaa loo haystaa falal isugu jira dhac dadweyne iyo qalqal-gelin, waxaana la filayaa in sharciga la horgeyn doono, islamarkaana la maxkamadayn doono.

Ciidanka Booliska ayaa maalmihii la soo dhaafay ku jiray howlgal ka dhan dablay iyo burcadka mindiyaha ku hubaysan ee dhaca u geysta shacabka, waxaana xabsiyada ku yaalla muqdisho ku xiran rag ku eedeysan falal caynkaas ah.