U bood dhigaalka

Madaxweynaha JFS iyo wefdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.

Shirkan oo loo soo gaabiyo FOCAC ayaa ah mid sanad leh ah, islamarkaana looga hadlo iskaashiga iyo wax wada qabsiga Jamhuuriyadda dadka Shiinaha iyo qaradda Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa dhinacyada hormarka iyo maalgashiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inta shirku uu socdo uu khodbad ka jeedin doono, islamarkaana uu ka warbixin doono guulaha ay Soomaaliya gaartay iyo fursadaha maalgashiga ee ka bannaan.

Goobjoog.com