U bood dhigaalka

Maxay ka wada hadleen wasiirrada gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkigu?

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga xukuumadda fedaraalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xarunta wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ee magaalada Ankara kulan wax ku ool ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Turkiga Yaşar Güler.

Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Turkiga mudane Alparslan Bayraktar ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca iyo tamarta.

Turkiga ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa dhinacyada amniga oo dhismaha iyo tababarka ciidamadu ugu horreeyaan, arrimaha hormarinta, caafimaadka iyo waxbarashada.