U bood dhigaalka

Diyaarado dagaal oo duqeeyay fariisimo ay Alshabaab ku lahaayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe

Howlgal duqeyn ah oo ay fuliyeen diyaarado dagaal ayaa lagu beegsaday fariisimo ay Kooxda Alshabaab ku lahaayeen deegaanno hoostaga magaaladooyinka Ruuni-nirgood iyo Ceeldheer ee gobollada Shabeellaha dhexe iyo Galgaduud, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Duqeymaha oo dhowr jeer lagu garaacay fadhiyadii lshabaab ee deegaanadaas ayaa lagu dilay dagaalamayaal badan kooxda ka tirsan,ayadoo gaadiid iyo saanad kale lagu burburiyay sida ay wararku sheegayaan, balse lama oga tirada rasmiga ah ee xubnaha ku dhintay howlgalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow war saxaafadeed ka soo saari doonto sida uu weerarkaasi u dhacay iyo khasaaraha soo gaaray xubnihii Alshabaabka ahaa ee goobtaas ku sugnaa.