U bood dhigaalka

Ku dhowaad 50 askari oo ku dhintay gantaallo uu Ruushku ku garaacay xero ciidan oo ku taalla Ukraine

Ugu yaraan 47 qof ayaa ku dhintay, halka 206 kalena ay ku dhaawacmeen laba gantaal oo ciidamada Ruushku ay ku weerareen xarun militari oo ku taalla magaalada Poltava ee bartamaha Ukraine sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

weerarkan ayaa lagu tilmaamay kii ugu khasaaraha badnaa ee waayadan ay ciidamada Ukraine la kulmeen, sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaana muujinayay meydad dhowr ah oo dhulka daadsan oo ay qariyeen boor iyo qashin, iyadoo ay waxyeello xooggani ka soo gaaray dhismo weyn oo gadaashooda ah.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy oo dhacdadan ka hadlay ayaa wacad ku maray inay weerarkan ka jawaab adag ka bixin doonaan, wuxuuna Saraakiisha ku amray inay arrintan baaritaan ku sameeyaan.

Goobjoog.com