U bood dhigaalka

Taliyaha CXD oo ka qeyb-galay taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa maanta ka qeyb-galay shir looga hadlayay taageerada ciidamada qalabka sida, waxaana shirkaan diirada lagu saaray sidii loo xoojin lahaa garab istaaga Ciidamada Soomaaliya.

Shirka waxaa ka qeyb-galay la taliyaha amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS Mudane Xuseen Macallin Maxamuud,Kusimaha Taliyaha Booliska ahna  taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan C/laahi Maxamed (Kaniif) madaxda UNSOS ASG ASIA, Taliyaha ciidamada ATMS, safiirka UK iyo safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin oo khudbad ka jeediyay shirkaan caalamiga ah ayaa dul-istaagay sida hagar la’aanta ah ee Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed looga caawiyay taageerada saadka iyo tababarada.