U bood dhigaalka

Ciidanka Isra’il oo laayay shacab Falastiiniyiin ah oo iskuul gabaad ka dhiganayay

Ciidamada maamulka Isra’il ayaa sii wada duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin.

Wakaaladda wararka maamulka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa sheegtay Saaka, in ugu yaraan 13 qof lagu dilay 15 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay xalay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen iskuul ay ku barakaceen dadka reer Gaza iyo dhismo kale oo ay dad rayid ah daganaayeen oo ku yaalla Gaza.

Wakaaladda WAFA waxay kaloo sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta loo geystay iskuulka Xalima Sacdiya ee Xerada Jabaaliya, ay ahaayeen qaxooti.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in duqeynta Iskuulka Jabaaliya ay aheyd mid loo fuliyay si sugan.

Weerar kale oo ay ciidamada Isra’il ku duqeeyeen xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah.


Dhinaca Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Isra’il ayaa la sheegay in ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin.