U bood dhigaalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo qaaday mid kamida dacwadihii ugu adkaa

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la soo taagay rag loo haysto Alshabaabnimo, kuwaas oo Xeer-ilaalintu ay ku soo oogtay dacwado la xariira falal nabad-gelyada halis ku ah iyo ka tirsananaanta kooxo dowladnimada ka soo horjeeda.

Ragga galdacwadeedkooda ay maxkamaddu u fariisatay ayaa waxaa kamid ahaa oday naafo oo dhowr iyo 50 sano jir ah, kaas oo ka yimid dalka Jarmalka, asal ahaanna ka soo jeeda magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Ninkan ayaa qirtay inuu kooxda Alshabaab u qaabilsanaa ilaalinta keydka raashinka, maadaama uu sheegay inuu yahay qof baahiyaha gaarka ah qaba oo aan dagaallada iyo qaraxyada ka qeyb-qaadan karin.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu iskiis uga soo baxay kooxda, islamarkaana muddo uu magaalada muqdisho dhuumasho ku joogay ka dib gacanta laamaha amniga soo galay, balse xeer ilaalinta ayaa ku eedeysay inuu doonayay in tababarro uu soo qaatay uu weerarro uga geysto magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.