U bood dhigaalka

Taliyaha CXD iyo saraakiil uu hoggaaminayo oo gaaray gobolka Shabeellada Dhexe

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin iyo wefdi saraakiil ah oo hoggaaminayo ayaa gaaray gobolka Shabeellada hoose .

Ujeedada safarka wafdiga ayaa ahayd sidii loo dardar-gelin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab ee ka socda meela uu gobolkaasi ka mid yahay, waxaana safarka taliyaha ku wahlinayay Taliyaha howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka Colonel David Haskell.

Taliyaha ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan xoogga Dalka iyo Dowladda Mareykanka.

Shirka waxaa looga hadlay sidii Khawaarijta looga sifeyn lahaa goobaha ay wili kaga suganyihiin dalka, waxaana Taliyaha Ciidanka XDS uu amray saraakiishaan in loo diyaar garoobo dagaal ka dhan ah Alshabaab, iyadoo la kaashanyo dadka deegaanka oo diyaar u ah dagaalka cadawga.

Saraakiisha ka socotay Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweeyay Howlgalkaan, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.