U bood dhigaalka

Maxay Ku duwanyihiin Eedaysane, Tuhmane, iyo Dambiile ?

Markii laga hadlo galdacwadeedyada maalinlaha ah ee Hay’adaha garsoorku ay la falgalaan waxaa jira dad dhacdooyinka dacwadahaasi ku saabsanyihiin ku lug leh oo bahda caddaalada dhexdeeda looga yaqaanno magacyo kala duwan oo loogu yeero.

Labada dhinac ee loo garsoorayo mid waa dhibane oo ah cidda dacwoonaysa oo faldembiyeed loo geystay ama xoolo lahaanshadoodu la hubo lagu haysto ka cabanaysa, balse dhanka qof ama kooxda wax laga tabanayo garsoorku wuxuu ugu yeeraa seddax magac oo kala ah eedaysane, tuhmane, iyo dembiile.

Markii faldembiyeed dhaco dadka loo malaynayo inay kaalin ku lahaayeen ama ka dhawaayeen goobta dhibaatadu ka dhacday, loogana shakisanyahay inay ka qeyb-qaateen ayaa ah tuhmane ama tuhmanayaal, balse markii dadkaas baaris dhab lagu sameeyo qofka sida gaarka farta loogu fiiqo oo raadadka dagalku ay soo galaan, islamarkaana maxkamadda loo gudbiyo waxaa loo yaqaannaa “Eedaysane”.

Haddaba markii eedaysanahaas dacwadda loo haysto lagu helo, islamarkaana maxkamaddu ay xukun ku rido ayaa loogu yeeri karaa dembiile, balse haddii waxba lagu waayo, xorriyaddiisana dib loo siiyo seddaxda magacba loogu yeeri karo oo wuxuu noqanayaan “dhiblaawe” ama qof bari’ ah sida hannaanka garsoorku qabo.

La soco qeybta ee qormada garsoorka.