U bood dhigaalka

Ciidanka Booliska oo gacanta ku soo dhigay rag la sheegay inay dhac iyo dil geysanayeen

Howlgal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta guud ee boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’adaha amaanka Caasimadda ayaa soo xiray eedeysanayaal gaaraya 10 rag ah.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay geesteen falal isugu jira dil,dhaawac iyo dhac dadweyne oo ay ka wadeen degmooyin kala duwan ee Caasimadda Muqdisho.

Laamaha nabad-gelyada ayaa sheegay inay baaris ku wadaan kooxda dhaca dadweynaha lagu soo eedeeyay , islamarkaana ay maxkamadda qaadista galdacwadeedkooda awoodda u leh hor geyn doonaan.