U bood dhigaalka

Ciidanka dowladda oo miinooyin halis ku ahaa bulshada kasoo saaray waddo ku taalla Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal ka sameeyay gobolka Shabeellaha Dhexe si ay u soo saaraan miinooyin ayAl-Shabaab aaseen.

Miinooyinkaan ayaa la dhigay waddo muhiim ah oo xiriirisa deegaanada Ceelbacad iyo Alkowsar.

Miinooyinkan ayaa halis ku ahaa amniga dadka dadka isticmaalada wadadaa.

Ciidanku waxay isticmaaleen qalab casri ah iyo xirfado gaar ah si ay miinooyinka u soo saaraan ugana baajiyaan khatarahaas.

Tallaabadani waxay qayb ka tahay qorsheyaasha dowladda iyo ciidamada si loo xoojiyo amniga gobolka oo loo yareeyo falalka argagixiso ee Shabaab.

Waddooyinkan ayaa ah kuwa muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana muhiim ah in la helo amni buuxa si bulshada u isticmaasho waddooyinkaas si nabad ah.