U bood dhigaalka

Ku dhowaad 17 qof oo ku dhintay doon ku degtay xeebaha dalka Senegal

Ciidamada badda Senegal ayaa sheegay in ay heleen meydadka 17 qof, kuwaas oo la socday doon ay saarnaayeen qaxooti iyo muhaajiriin oo ku degtay xeebaha dalkaas, waxayna xaqiijiyeen in tirada dhimashadu ay tahay 26 qof.

Qoraal la soo dhigay barta X ee ciidamada badda Senegal ayaa lagu sheegay inay heleen 17 meydad ah ka dib markii sagaal qof oo doontu ay la degtay ay raqdooda horay u shaaciyeen, islamarkaana baadi-goob u galeen dadka la’yahay.

Doonta ay dadkani saarnaayeen oo axadddii ku degtay xeebaha Senegal ayaa waxaa siisoo taraya khasaaraha dhimashada ee ka dhashay, ayadoo ciidamada badda dalkaasi ay saacado ka hor ku dhawaaqeen helidda meydad hor leh.