U bood dhigaalka

Shaqadii garoonka diyaaradaha Nairobi oo istaagtay ka dib gadood ay shaqaaluhu sameeyeen

Shaqadii garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi ee Jomo Kenyatta ayaa gebi ahaanba joogsatay, ka dib markii shaqaalaha garoonka oo gadoodsani ay shaqo joojin lama filaan ah ku dhawaaqeen .

Shaqaalaha ayaa ka cabanaya qorshe ay dowladda Kenya shirkad Hindiya laga leeyahay ugu wareejinayso maamulka gegida diyaaradaha ugu weyn dalkan ku yaalla bariga afrika .

Booliska kenya ayaa isku dayay inay garoonka shaqadiisa sideedii ku soo celiyaan, ayagoo shaqaalaha ku qasbaya inay howlohooda wataan, xoogsatada iyo xirfadlayaasha ka shaqeeya Jomo Kenyatta ayaa intooda badan ka biya diiday inay ka laabtaan go’aanka shaqo joojinta.

Muuqaallo laga soo duubay gudaha garoonka ayaa muujinaya dad ku xoonsan goobaha diyaaradaha laga raaco, si ay boorsooyinkooda halkaas uga qaataan, lamana oga sida ay xaalladu ku dambeyn doonto.