U bood dhigaalka

Ugu yaraan 5 qof oo ku geeriyooday qaraxyo galabta ka dhacay degmada Kaxda

Sheeko:War

Ugu yaraan 5 qof oo u badnaa dhallinyaro ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen qaraxyo galabta gabbal-dhicii ka dhacay goob nasiino oo ku taalla degmada Kaxda ee Gobolkani Banaadir.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo goobta lagu sii diyaariyay, islamarkaana dhirta doogga leh ee fagaaraha ku yaalla lagu sii dhex qariyay, ayuu guddoomiyaha degmadu sheegay inay ahaayeen miinooyin nooca booda ah oo dadkii meesha ku sugnaa lagu beegsaday, markii loo soo gurmadayna mid kale oo khasaare geystay lagu xejiyay.

Dhimashada  5-ta qof ah ka sokow, waxaa la sheegay inay qaraxyada ilaa 10 qof oo kale ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda la dawaynayo, waxayna goobtu ahayd mid mashquul badan oo boqolaal dadweyne ahi ay si maalinle ah ugu damaashaad tagaan.