U bood dhigaalka

Ciidanka Jubbaland oo sheegay inay fashiliyeen weerar ay kooxda Alshabaab ku soo qaadeen

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay koox Alshabaab ku soo qadeen deegaankaas.

Ciidanka ayaa sheegay inay khasaaro weyn u geysteen dagaalameyaasha Alshabaab ee weerarka soo qaaday, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin tirida rasmiga ah ee dhimashada xubnaha Alshabaab iyo waxyeellada dhankooda soo gaartay.

Wararka ku saabsan dhacdadan ayaa weli isi soo taraya, waxaana la filayaa in Wasaaradda Gaashaandhigga ay war saxaafadeed faahfaahin arrintan ka soo saari doonto.