U bood dhigaalka

Muxuu Mareykanka Itoobiya kala hadlay?

Sheeko:War

Magaalada Addis Ababa waxaa dhowaan gaaray wafdi Maraykanka ka socda oo uu hogaaminayo ergayga dowladda Marykanka u qaabilsan bariga Afrika Mike Hammer, kaasoo kulamo la qaatay madaxda dalkaasi.

Ergayga Maraykanka ayaa kulan la yeeshay wasiirka arrrimaha dibadda Itoobiya ambasador Taye Atske-Selassie, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya dhinacyada ayaa ka wada hadlay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay inay Mareykanka la wadaagtay walaaca ay ka qabto howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS, gaar ahaan ciidanka Masar oo Soomaaliya imaan doona .
Wefdiga Mareykanka ayaa dhankooda la sheegay inay Itoobiya kala hadleen sidii ay xaaladda u dejin lahayd, islamarkaana uga baaqsan lahayd fal kasta oo xiisadda labada dal uga sii dari kara, sidoo waxay labada dhinac isla soo qaadeen xadgudubyada arrimaha bini’aadantinimada la xariira ee maamulka Abii Axmed uu ka wado deegaanada Amxaarada iyo Tigray-ga.

Si kastaba ha ahaatee booqashada wefdiga Mareykanka ee Addis Ababa ayaa ku soo beegmaysa xilli maalmo yari ka dhimanyihiin wajiga 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya ee magaalada Ankara, islamarkaana aan la ogeyn sida ay u qabsoomi doonaan wada-hadalladaasi maadaama labada dhinac midna aanu weli soo dabcin.