U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada-hadlay is dhaafsiga waaya-aragnimada garsoorka iyo arrimaha Sharciga

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XukuumaddaJamhuuriyaddaFederaalkaSoomaaliya, mudane Hassan Macalin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Professor Ahmed Isma’il iyo Professor Mohamed Al faatih oo ah xeeldheereyaal sharci oo ka yimid dalka Suudaan.

Wasiir Hassan Macalin oo ay wehliyaan Garsoore Sheekh Saalax Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda sare ee dalka iyo howl-wadeenno ka tirsan qeybaha Sharciyada iyo Garsoorka  ayaa yeeshay kulan diiradda lagu saaray is-dhaafsiga waaya-aragnimada arrimaha sharicga iyo Garsoorka ee dalalka Suudaan iyo Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa leh xariir walaalnimo oo soo jireen ah, sidoo kale Suudaan waxey kamid tahay dowladaha sida hagar la’aanta ah u taageeray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, xilligii ay ugu baahida badnaayeen